XUBNAHA UGU CAD CAD IN AY KUSOO BAXAAN GUDOOMIYA BAARLAMAANKA CUSUB!!.

0
572


Wararka laga helayo meelo badan oo uu kasocdo abaabulka musharaxnimada gudomiyaha barlamaanka ayaa sheegaya in ay hada ugu cad cad yihiin raga loo maleynayo in ay kusoo baxaan gudomiyaha barlamanka: maxamed cismaan jawaari iyo xasan abshir faarax cali khaliif galeyr iyo kuwo kale.

Madaxda dfkmg waqtigoodu dhamaadey sida m/weyne sh/sharif,sh/xasan,iyo c/weli gaas oo kala afkaar ahaa ayaa hada qaar kamideysanyihiin ninka noqonaya gudomiyaha barlamanka cusub sida sh/sharif iyo c/weli gaas oo wada raba in maxamed cismaan jawaari uu noqdo gudomiyaha barlamaanka halka sharif xasan uu doonayo in xasan abshir faarax uu noqdo gudomiyaha barlamaanka taasoo ka careysiisey beesha digil iyo mirif.

Waxaa jira rag kale oo uu ka midyahey cali khaliif galeyr oo isaguna ciyaari kara in uu meesha ka saaro hamiga beelaha digil iyo mirif iyo majeerteen balse waxaa la ogaan doonaa marka madasha la gaaro 26ka bishan insha allaah.