Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagusoo gabagabeeyay shirkii Culimada Soomaaliyeed kaasi oo lagu fallanqeynayay masaa’il farabadan oo ay ka shakisanaayeey qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed kadib Gazwul fikiriga ay wadaan wadaaadada dayaacadeeya Mujaahidiinta iyo Jihaadka lagula jiro Caddawga Alle.
Kullanka oo socday muddo 3 maalmood oo xiriir ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wilaayada islaamiga ah ee Banaadir a waxaana ka qeyb galay Culimo uu kamid ahaa Sheekh Nuur mucallim C/raxmaan,sheekh Jaamac c/salaam,iyo sheekh C/qaadir Muumin ayaa waxaa lagu jeex jeexay hagardaamada ay Gaaladu la damcsantahay dhulka soomaaliya ,iyo dacaayadaha been abuurka ah ee laga faafinayo mujaahidiinta iyo Jihaadka in lagu gaaloobo iyo arrimo kale oo khuseeya ku dhaqanka shareecada iyo micnaha dhabta ah ee Argagixisada.
Maanta oo aheyd maalintii ugu dambeysay ee kulanka ayaa waxaa lagasoo saaray baaq ka kooban dhowr qodob oo ay ku saxiixnaayeen Culimada ugu waaweyn Dalka soomaaliya ,Bayaanka ayaa ka kooban Qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Dalka waxaa kamid ah:-
1-Cullimadu waxa ay Go’aamiyeen in ku dhaqanka shareecada Islaamku waajib yahay ciddii kasoo horjeesatana ay ku gaallobeyso.
2-Cullimadu waxa ay cadeynayaan Dhulka ay mujaahidiintu kataliyaan inay kajirto nabadgalyo Buuxda taasi oo ka dhalatay ku dhaqanka shareecada Islaamka islamarkaana cid kasta oo muslim ah ay ku amaan heleyso iyada iyo hantideeda.
3-Culimadu waxa ay cadeeyeen in daadinta dhiigga Muslimka ah uu yahay Xaaraan ,dhiiga Muslimka ah ee ku daadanaya Soomaaliyana ay mas’uul ka yihiin Gaalada kusoo duushay Wadanka sida Ugand,Burundi ,Mareykanka,Itoobiya iyo kuwa kale ee Soomaalida ah ee la safan.
4-Cullimada waxa cadeeyeen in waajib ay tahay in la iska difaaco Cadawga hororka ah ee soo duulay iyo cid kasta oo garab siineysa.
5-Cullimadu waxa ay ka digeen Musdalaxaatka ay gaaladu hindistay ee Dadka Muslimka ah diintooda looga fogeynayo sida waxa loogu yeero Xagjirnimada oo micnaheedu yahay la dagaalanka Ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
6- Waxa ay cullimadu isla garteen in Cullimadu Mas’uuliyad gaar ah ka saarantahay ilaalinta Dhowrista iyo hirgelinta Shareecada Islaamka waajibna ay ku tahay inay toosiyaan Umadda marka ay inxiraafto islamarkaana dhex dhexaad aysan ka noqonin dagaalada u dahxeeya gaalada iyo Muslimiinta.
7-Cullimadu waxa ay isla garteen in shirarka lagu qabanayo Dibadaha ee Dadka Jihaadka looga fariisinayo ay yihiin kuwa u adeegayo Maslaxada gaalada ayna ka digayaan in Bulshada muslimka ah lagu dhakro shirarka Noocaasi oo kala ah.
Bayaanka ayaa waxaa ku saxiixan Cullimaa’udiin fara badan oo ay kamid yihiin:-
1- Shiik Nuur Macalin C/raxmaan.
2- Sheekh C/laahi Raabi.
3- Sheekh Jaamac C/Salaam.
4- Sheekh C/Qaadir Muumin.
5- Sheekh Cusmaan axmed shirre.
6- Sheekh C/Qaadir Xasan Warsame.
7- Sheekh Axmed Xasan Abiikar.
8- Sheekh Maxamed Axmed Daahir.
9- Sheekh Cali C/laahi Cabdulle.
10- Sheekh Maxamed Maxamud Nuur.
11- Sheekh Cismaan Maxamuud Iimaan.
12- Sheekh Cali Yuusuf Wehliye.13- Macalin Bishaar Macallin Aadan.
14- Saciid Sheekh Maxamed Axmed.
15- Sheekh Maxamed Barrow Maxamuud.
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office