Maamulka Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Hakad Geliyeen Wadahadaladii Dawladda TFG-da

0
514

Wararka soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaalyeed Ee Warsom

Maamul Goboleedka Somaliland ayaa shaaca ka qaadey in ay hakad geliyeen wadahadalkii u dhexeeyey iyaga iyo Dawlada TFG-da Soomaaliya.

Wada hadalka u dhexeeya maamulka Somaliland iyo kan TFG-da ayaa bilowdey bishii May, waxaana kulankiisi u horeeyey ka dhacay dalka Ingriiska, isaga oo kii labaadna uu ka dhacay dalka isutaga Imaaraadka Carabta Oo Ay Ku Wada Hadaleen Madaxda ugu Sar Sareeysa Dowlada TFG-da iyo Maamulka Soomaaliland.

Mxamed Cabdullaahi Cumar Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sheegey in ay sugayaan inta isbedel ka dhacaayo TFG-da Somalia oo ay dhamaanayaan tartanka loogu jiro jagooyinka u sareeya Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay fursad siinayaan siyaasiyiintaTFG-da Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa ku adkeysanaysa in ay Dowlada TFG-da kala hadleyso gooni isutaagideeda, iyada oo dastuurka ansixintiisa loo fadhiyo arrintaas ged dheer saarayo, kana dhigaayo midnimada Soomaaliya mid muqaddas ah Islamarkaana Danaheeda Gaarka Ah Doonayso.

 Wararka soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaalyeed Ee Warsom