Waxa loogu yeerey dastuurka soomaaliya ayaa qeexaya habka doorashada madaxweynenimo,taas oo la sheegayo in ay hadii ay meel marto ansixintaas aysan tartanka ka qeyb geli doonin musharax aan xisbi siyaasi ah ka socon ama uusan soo sharaxin.
Waxa dastuurka loogu yeerey oo dad badan walaac ka muujiyeen qodobo ka mid ah ayaan qeexeyn in musharax madaxbanaani ka qeyb geli karo tartanka doorashooyinka madaxtinimo ee dalka soomaaliya,iyadoo ay hada bilaabatey nux nuxda dadweynaha iyo waxa kasoo ifbixi kara marka la shaaciyo in la ansixiyey waxa ay soomaali badani shakiga ka muujinayaan oo aan hada waqtigan waxna laga dhimi karin waxna lagu dari karin micnuhuna yahey in ay u danaynayaan oo kaliya dadkii soo qortey maadaama ay soomaalidu marti ka tahey,iyadoon la ogeyn sida wax loogu heli doono wax dadkii lahaa aysan waxba ka ogeyn.
Ilaa iyo hada ma jiraan gudi doorasho iyo xeer doorashooyinka loo maro marka laga reebo qabyo qoraalka aan la ogeyn cida loo diyaarinayo oo lagu qaldayo ujeedooyin qarsoon oo soo ifbixi doona mustaqbalka.




