Ciidamada Kenya Ka Jooga Dalka Soomaaliya Oo Diyaarado Dagaal ugu Deeqday Dowlada Mareykanka

0
533

Wararka Soomaaliyeed Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

War kasoo baxa Dowlada Mareykanak ayaa Sheegaya in Dowlada Dalka Mareykanka gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga Pentagonka ee Ciidamada Kenya ee kusugan Gudaha Soomaaliya ugu deeqday Dhoor diyaaradaha Dagaalka aan Duuliyaha wadin ee loo yaqaan Drones.

Diyaaradahan aan Duuliyaha laheyn ayaa tiradooda gaareysaa ilaa 8-Diyaaradood waxaana loogu tala galay in Ciidamada Kenya kula dagaalamaan kuna duqeeyaan Goobaha ay kusuganyihiin Dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalada kala horjeedaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee Kenya dhawaan ku biiray Kuna Sugan Dalka Soomaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale tababar ku aadan qaabka wax loogu duqeeyo iyo sida loo isticmaalo Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn siineysa Ciidamada Kenya iyo goobaha muhiimka ah ee la duqeenayo.

Madaxda Dalka Mareykanka ayaa sidoo kale Qorsheenaysa in uu qalab milatari oo kujiraan gawaarida Ciidamada iyo hub uu ugu deeqo Ciidamada Midowga Afrika kasocda ee AMISOM Dagaaladana kala horjeeda Xarakatu-Shabaab Al-Mujaahidiin.

Qaar Ka Mid Ah Saraakiil Mareykan ayaa ujeedka ka dambeeya in Ciidamada Kenya loogu deeqo Diyaaradahan ay tahay sidii ay Kenya u xoojin laheed Dagaalada iyo Duqeymaha looga horjeedo Al-Shabaab si loo wiiqo awooda Kooxdaasi Islamarkaana Lagala Wareego Goobaha Ay Iminka Ku Suganyihiin.

Wararka Soomaaliyeed Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)