Kadib Dilkii Ayman Al-Zawahiri oo Khilaaf Xoogan Soo kala Dhex galey Hogaanka Al-Qaacidda iyo Muran ka Dhex aloosan.

0
552

Dilka hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri ee duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ma saameyn doonto howlgallada kooxaha argagixsada ee xiriirka la leh ee dunida, balse waxay fureysaa dariiqa loo maro hannaan kala horreynta dhanka hoggaanka oo ah mid dhib badan.

Jihaad-doonkii u dhashay Masar oo Maraykanku sheegay in lagu dilay goob dhuumaalaysi oo ku taalla caasimadda Afghanistan ee Kabul, waligiisna iskuma deyin in uu ku celceliyo soo jiidashada iyo saamaynta uu ku leeyahay hoggaamiyihii ka horreeyey ee Usama Bin Laden, oo ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September, 2001-dii. .