M/weynaha Dalka Mareykanka Biden oo Shil Baaskeel Galey Dhaawacna Kasoo gaarey Daawo Sawiro Muujinaya sida Shilku u Dhacey.

0
514

Xaalad lama filaan ah ayaa qabsatay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden kadib markii uu ka dhacay baaskiil uu kaxeynayay xilli uu isku dayay inuu istaago si uu u salaamo taageerayaashiisa.

Madaxweynaha ayaa ku sugnaa gobolka Delaware. Wax dhaawac ah masoo gaarin balse si deg deg ah ayuu isku qabtay.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay kadib markii uu la turaanturooday baaskiilkiisa.

Waxaa la sheegay in baaskiilka ay ku timid cilad farsamo uuna u baahnaa dayactir.

Madaxweyne Biden ayaa ah 79 sano jir , waana madaxweynihii ugu da’da weynaa ee hogaamiya dowlada Mareykanka.