M/weyne Kuxigeenka Puntland Axmed Karaash oo Sheegay in Hadii aan La Ilaalin Dastuurka Lagu Kala Yaacayo.

0
469

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay Puntland inay kala tagayso haddii aan lagu dhaqmin oo la tixgalin dastuurka lagu heshiiyay.

Hadalkaan ayaa u muuqday mid Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu kaga jawaab celinayay kadib markii madaxweyne Siciid Deni uu dhawaan diiday magacaabis uu sameeyay Axmed karaash.

“Buug yaroo calaacashayda le’eg ayaa dadkaas oo dhan isku keenay. Kaas inaan ku dhaqano oo wuxuu na farayo adeecno baa loo baahan yahay, oo isagaa caddaaladu ku jirtaa, haddii kaa la waayo, waan kala yaacaynaa,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Axmed Karaash ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Deni, isagoo sheegay Puntland in aysan ahayn meel tuurta lagu qaan karo sida buraashada biyaha oo kale, isagoo sheegay in dantu ku jirto in la tixgaliyo waxa lagu heshiiyay.

Hadalkan ayuu madaxweyne ku xigeenka Puntland ka sheegay, kadib markii uu manta salaada ciidda meel fagaare ah kula tukaday boqolaal shacab ah iyo masuuliyiin dowladdeed iyo Dad kale isugu Jira.

Deni iyo Axmed Karaash ayaa isku haya khilaaf dhinaca awoodda ah. Axmed Karaash waxa uu horey u sheegay inay isaga kusoo wareegtay masuuliyadda awooddeed ee Puntland, kadib markii Deni uu aaday Muqdisho kana qeyb galayo doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa diiday arrintaas, isagoo ka hor yimid dhammaan wareegtooyinkii magacaabista ahaa ee uu ku xigeenkiisu uu sameeyay bishaan Abril.