Qaar kamid ah Maamulka Tv ga Qaranka oo Looga Yeeray Xarunta Denbi Baarista CID Si wax looga Weydiiyo war ay Sii deyn waayeen.

0
394

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ka carrooday shir uu dhawwaan la yeeshay taliyaal iyo saraakiil booliis oo laga baahin waayay Warbaahinta Qaranka gaar ahaan SNTV.

Sida aan wararka ku helnay taliye Xijaar oo si weyn uga carrooday in warkiisa aan laga sii deyn warbaahinta Qaranka ayaa qaaday tallaabo uu ku amray in warqad loo qoro maamulka Tv-ga si wax looga weediiyo sababta warkiisa ku diideen.

Ciidamo katirsan hay’adda dambi baarista ee CID-da ayaa maanta salaada ciida kaddib tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo oo watay warqado loogu yeerayay agaasimaha iyo Tifatiraha TV-ga Qaranka.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in xarunta CID-da la geeyay Maxamed Abuukar Axmed oo katirsan agaasinka TV-ga Qaranka iyo Cabdullaahi Amiin Maxamuud oo isna ah tifatiraha Tv-ga, kuwaa oo la weediiyay sababta aysan u baahin warkii taliye Xijaar.

”Waxaa la weydiiyay maxaa u baahin weyseen Warka taliyaha oo TV-ga looga deyn waayay, waxaa ay ku jawaabeen qasab naguma ahan in war kasta oo Taliye Xijaar leeyahay aan baahino, midda kalena Taliyuhu uma yeeran TV-ga haddii uu dhacdo ka uu qabanayo uu soo dalban lahaa  markaas waxbaan ka oran lahayn.” ayuu soo qoray Wariye katirsan Warbaahinta Qaranka.
Ciidanka dambi baraista CID-da ayaa markii dambe fasaxay maamulka TV-ga Qaranka ee u yeereen, mana jiro wax dhibaato kale ah oo loo geestay maamulka Tv-ga Qaranka oo maanta looga yeeray CID-da.
Warbaahinta Qaranka ayaan laga baahin wararka qaar aysan jecleysan xukuumadda uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Rooble, waxaana horey warbaahinta dowladda u diiday in ay  baahiso wareegtooyin badan uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo.