Dowladda Koofur Afrika Oo sheegtay inay Somalia ka taageerayso dhanka Horumarka iyo Dimoqraadiyadda si ay ugu baxdo xilliga KMG-ka.

0
593


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

wasiir ku xigeenka xirirka caalamiga dalka Koofur Afrika Marius Fransman ayaa sheegay in dalkiisa uu taageero siin doonno dalka Somalia si xal loogu hello dhibaatada ka jirta dalka ku yaalla geeska Afrika.

“Dalka Koofur Afrika wuxuu diyaar u yahay inuu taageero Somalia kana taageero dhanka dimoqraadiyadda,isla markaana ay door weyn ka ciyaarto xalka Somalia.

Wuxuu intaa ku daray wasiirka in dalkiisa uu caawinayo dadka Somalida oo uu ka taageerayo dhanka dib u hishiisiinta iyo horumarka dastuurka.

Sidoo kale Mr Marius Fransman wuxuu sheegay in ay Somalia ka taageerayaan dhanka beeraha,amaanka,biyaha iyo abaaraha saameeyay Somalia.

Mr Marius Fransman oo ka hadlayay shirkii Istanbul lagu qabtay dhawaan ayaa sidoo kale ku booriyay beesha caalamka inay wax ka qabtaan xaaladda Amaan,iyo dib u dhiska dalka Somalia.