
WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho Aadan Cadde International Airport waxaa maanta ka soo degay odayaasha dhaqanka iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah oo ka qeyb galay shirkii caalamiga ah ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya dhowaanna lasoo gabagabeeyay magaalada Stanbul.
Qaar ka mid ah madaxda Dowladda KMG ah ayaa ka qeyb galay soo dhoweynta odayaasha dhaqanka iyo xubnaha kale ee maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhoweysay wafdiga K/Simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga C/Wahaab Ugaas Khaliif iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada.
Sidoo kale waxaa soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah, xubno ka socday degmooyinka G/Banaadir, barbaarta gaashaaman, ciidamada Bambeyda iyo dadweyne fara badan, iyadoo diyaaradii siday wafdiga Turkiga ka yimid markii ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho odayaasha mid mid u gacan qaadeen madaxda iyo xubnihii soo dhoweeyay.
Dhinaca kale odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo qaarkood u waramayay Radio Maanta waxay sheegeen in shirkooda uu ku soo dhammaaday, isla markaana ay ballanqaadeen waxgaradka Soomaaliyeed inay door lixaad leh ka qaadanayaan sidii dalka looga saari lahaa KMG-nimada loona dhisi lahaa Dowlad rasmi ah oo Soomaaliya yeelato.




