Midowga Afrika Oo Sheegay in Hab Cusub Ay kula Dagaalamayaan Xarakada Alshabaab

0
711


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Dalalka ay ciidamadooda ay joogan soomaliya ee ka tirsan midowga Africa oo soo saaray hab cusub oo istaraatiijiyad dagaal oo lagu doonayo in lagula dagaalamo xarakada alshabaab oo ah wakiilada Uruweynaha alqaacida.

Kulan ay magaalada adis ababa ee casimada dalka Ethiopia ay ku yeeshen madaxda amaanka ee dalalka Uganda Ethiopia Kenya Burundian iyo jibuti ayaa waxay isla meel dhigen in afar jaho loo qeybiyo dagaalka looga soo horjeedo xarakada alshabaab oomudooyinkii danbe ay ka sii faaruqeysay magaalooyin iyo deeganao ay ka airman jireen kal hore ka dib dagaal wada jir ah oo ay xarakada alshabaab kala kulantay Ciidanka DKMG ah ee soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Qorshaha istaraatiijiyada dagaal ee hada ay isla meel dhigeen ayaa waxa ka qeyb ka ah in Gobolada bay Gedo iyo bakool ilaa labada shabelle ay ka Dagaalamaan Ciidanka Burundian iyo kuwa Uganda halka.

Halka la sheegay in ciidanka Kenya ay ka dagaalamaan gobolada jubooyinka sidoo kale ciidanka ka socda dalka jibuuti ayaa la qorsheeyay in ay ka dagaalamaan gobolada Hiiran iyo shabellaha dhexe.

Talaabadni cusub ee ay isla meel dhigeen madaxda amaanka ee dalalka DKMG ah ee soomaliya ugu yaboohay ciidanka nabad ilaalinta ay hada heysato agab yari dhinaca militeriga oo soo food saartay.

Xafiiska warqabadka warsom.com
muqdisho.somaliya