Ciidamada Galmudug oo Hawlgalo ka Dhan ah Al-shabaab Kawada Deegaano Ka Tirsan Maamulkaas.

0
848

Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay halkaa ka waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah xoogagga Ururka Al-shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ku bogaadiyay ciidamada howlgal saacadihii ugu danbeeyay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka oo ay gacanta ku hayeen dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa gacanta ku haya oo maamula qeybo ka mid ah gobolka Galguduud iyo Mudug, waxaana howlgalkan la sheegay in uu salka ku hayo sidii deegaannadaa looga saari lahaa Al-shabaab.

Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallo beelleedyada ku soo noqnoqday qeybo ka mid ah Galguduud iyo dilalka la xiriira aanooyinka Qabiil.