Badeecooyinka Ka Yimaada Dalka Faransiiska oo Looga Digay Dadka Turkigu In ay Iibsadaan.

0
1167

Iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Dowladdaha Turkiga iyo Faransiiska ayuu madaxweynaha dalka Turkiga  Recep Tayyip Erdogan  waxaa uu dadkiisa ku booriyay in aysan iibsan baddeecadaha lagu sameeyo dalka Faransiiska.

Fariin teleefishinka  uu u mariyay shacabkiisa ayuu ku sheegay madaxweyne Erdogan dadkiisa in aysan iibsan Alaabaha lagu sameeyo dalka Faransiiska, isaga oo dhinaca kalana dunida muslimka ugu baaqay in ay difaacaan dadka musliimta ah haddii ay dowladda Faransiisku isku deydo tacadiyo ka dhan ah.

Dowladda Turkiga ayaa si carro leh uga jawaabtay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa kaddib markii dhawaan la dilay macalin Faransiiska u dhashay oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed NNKH, madaxweyne Macron wuxuu horraantii toddobaaadkan sheegay in ‘ Faransiiska uusan is dhiibi doonin.