Qaar ka tirsan mudanayaasha barlamanka garabka uu hogaamiyo madowe nunow maxamed oo dowlada KMG ah ee soomaliya ku eedeyay in aanay lacagaha mushaarada aanay siinin ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.
Xildhibaanada xawo cabdalla qayaad oo uga warbixisay bahda saxafada kulan ay magaalada muqdsiho ku yeeshen mudanyaashani edeynta dusha kaga tuuray dowlada KMG ah ee soomaalia ayaa waxay uhagardameynayan iyadoona sidoo kale amaan usoo jeedisay dowlada turkiga oo ay sheegatay in si wacan ay ugu gargaartay shacabka soomaliyeed .
Xildhibaanada ayaa dhinaca kale sheegtay in ay baaq udireyso madaxda dowlada KMG ah ee soomaaliay oo ku wajahan in lacagaha mushaarada la siiyo ciidanka xooga dalka soomaaliyed oo xiligani ay sheegay in qaar kod loo heysto lacagaha kirada ee guryaha ay ka deganyihiin magaalada muqdisho.
Ciidanka xooga dalka soomaaliya ayaa xiligani waxa la sheegayaa in aanay qaadan lacagaha mushaarada ee ay ciidanka dalka soomaaliyeed ay xaqa uleeyihhin.
Sikastaba ha ahaate mudanayaashani baaqa ka soo saaray kulanka magaalada muqdisho ay ku yeeshen ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili DKMG ee soomaaliya oo ay ku guda jirto marxalada kalaguurka .
Mana kala cada waxa ay ka badalidoonto baaqa ka soo ifbaxay xilidhibaanada kulanka ku yeeshay muqdisho xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.
xafiiska warqabadaka warsom.com
muqdisho,somaliya





