Dagaal Geestay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta Gal-Gaduud ku dhex-maray Ahlusuna Waljameeca iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab.

0
563

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Dagaalkaan Oo ah Mid aad u Xoogan ayaa Maanta kadhacay una
Dhaxeeya Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca Oo taageera Kaheysta
Ciidamada Ethiopia iyo X.Al-Shabaab Maanta Waxa ay Uu Kudhaxmaryay Deegaano
Hoos yimaada Gobalka Gal-Gaduud Ee Bartamaha Soomalia .

Dagaalka ayaa Xoogiisa Kadhacay Deegaanada Jacar iyo Bargaan
iyo Deegaano Kale Oo katirsan Ee Gobalka Gal-gaduud Waxaana Bar Barsocotay
madaafiic labada Dhina ay isku Adeegsanayeen Oo Ku Dhacaysay Meelo kabaxsan Deegaanada
ay Dagaalada kasocdaan.

Saraakiil katirsan Culamaa.udiinka Ahlusuna Waljameeca Oo
lahadalay Warbaahinada ka hawl gala muqdisho ayaa
Sheegay in ay Qabsadeen Gaadiid Dgaal oo ay Lahaayeen Ciidamada X.Al-Shabaab
islamrkaana ay Dileen Dagaalyahaano katirsan Ciidamda Al-Shabaab.

Warar Hordhac ah Oo kazoo baxya Deegaanada Uu Dagaalka
Kadhacya Ayaa Soo Warinaya In Dagaalka Uu yahay Mid Aad uXoogan islamarkaana
Daryanka MAdaafiicda Laga Maqlaayo Goobokafofg Meelaha ay  Dagaalada kadhacayaan.

Majirto Wax War Ah Oo kasoo Baxay X.Al-Shabaab Oo Ku Aadan
Dagaalka Maanta Kasocda Gobalka Gal-Gaduud Waxa Uusa Dagaalkaan Kusoo Beegmayaa
Xili Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisoon Ay Al-Shaaba ay Kasaareen Deegaano
badan Oo kuyaala Duleedka Koon Fureed Ee Magaalada Muqdisho .

Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya.