Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku hareereeysan degmada Afgooye.

0
529


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada Afgooye gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xaaladu aad u kacsan tahay, isla markaana dadka degaankood qaarkood ay bilaabeen inay halkaasi isaga barakacaan, kaddib markii degmadu ay isku bedeshay goob ciidan.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay hareereeyeen degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda, kaddib markii magaalada gudaheeda rasaas uga soo rideen Al-Shabaab oo isku urursanaya halkaasi.

Saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ah ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gelayaan degmada Afgooye, hase yeeshee waxay ka warbixiyeen xaaladda dagaalka halka uu marayo, iyagoona sheegay inaysan dooneynin inay gudaha u galaan gudaha degmada hase yeeshee qaab xeeladeysan uga saarayaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Jan. Cali Cosoble Caraaye (Gacmadulle) ayaa sheegay in ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay saacadaha soo socda gelayaan degmada Afgooye, wuxuuna caddeeyay in howlgalkooda ay sii wadayaan ilaa iyo inta maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka saarayaan gudaha degmada Afgooye.

Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya.