Taliska nabad sugida ee dfk ee Somalia ayaa soo bandhigay sarkaal ka tirsan xarakada al shabaab oo maan isku soo dhiibay dowlada SomaliYA.

0
519

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Hey,adda nabad sugida dowlada kmg ayaa saxaafadda u soo bandhigtay sarkaal sare oo ka mid ahaa kooxda al shabaab oo isku soo dhiibay saakay ciidamada booliska dowlada Somaliya.

Sargalkaan ayaa lagu magacaaba axmed sheikh yuusuf sh.ciise kaba kudukade oo Ay soo bandhigeen nabad sugidda qaranka ayaa sheegay in uu ka mid ahaa saraakiisha dhinaca ammaanka ee gobolka sh/dhexe ee uu ka arrimiyo maamulka xarakada al shabaab waxa uu tilmaamay in uu dhalay gudoomiyaha g/sh/dhexe ee al shabaab sheikh yuusuf kaba kudukade islamarkaana uu go’aansaday in uu isku soo dhiibo ciidamada dowlada Somalia.

Sargalkaan ayaa saxaafadda u soo bandhigay saraakiil sar sare oo ka tirsan hey,adda nabad sugidda waxaana goobta lagu soo ban dhigay ka hadlay khaliif axmed ere goo ah taliyaha ciidanka nabad sugidda g/banaadir waxaa shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo isku soo dhiibta ciidamada dowlada si waafaqsan nidaamka dowliga ah.

Taliya nabad sugidda waxa uu balan qaaday in wax barasho iyo xirfaddo kala duwan ay u diyaarin doonaan  mas,uuliyiinta dowlada cid kasto oo ka soo baxsaaneysa xarakada al shabaab oo dowlada dagal kula jirta .Hadalkaan ka soo baxay saraakiisha nabad sugidda dowlada ayaa imaanay xilli maalintii seddexaad dagaal culus uu ka socdo wadada isku xirta muqdisho iyo afgooye iyadoo ciidamada ay si aad ugu dhawaadeen degmada afgooye.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya