Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa hadda kaabiga ku haya degmada Afgooye g/sh/hoose waxaana in ka yar 2km, sida saraakiisha dowladda ee howl galka wada ay saxaafada u sheegaan iyagoo shaaca ka qaaday in saacadaa soo socda ay gali doonaan degmadaasi.
Saraakiish ayaa ku waramaya in ay jirin manta dagaal sidaa u buuran oo ciidamada la kulmayaan marka loo eego maalmihii laga soo gudbay oo dagaalo culus ay dhacayeen waxaana la tilmaamayaa in ciidamada dowlada iyo amisom ay ka gudbeen deegaanada barakacayaasu daganaayeen.Dhinaca kale waraka ka imaanaya degmada afgooye ayaa xaqiijinaya in xarkada al shabaab ee weli gacanta ku haya degmadaasi ay xabsiga ka sii daayeen maxaabiis fara badan oo ku jiray xabsiga degmada afgooye g\sh/hoose.
Ugu dambeyntii saraakiishaa ayaa xustay in yoolkoodu uu yahay in degmada Afgooye iyo deegaanno ka baxsan ay gaaraan, howlgalkuna uu sii socon doono inta ay ka gaaraan goobaha ay ugu tallagaleen in ciidammada dowladda iyo AMISOM ay gacanta ku dhiggaan.
Wixii Ku soo Kordha Kala Soco Warsom.com





