Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Lix Xisbi Siyasadeed.

0
968

Xifiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda Ayaa Maanta Gudoonsiiyey Shahaadada KMG ee Xisbinimo,Iyadoo Ay Kasoo Qayb Galeen Madaxda iyo Xubnaha Shahaadada La Gudoonsiinayey Kuwaas oo Ku Biiri Doona Todobaatan Xisbi Siyaasadeed oo Hore Shahaadada U Qaatey.

Xisbiyada Maanta Shahaadooyinka Gudoomay ayaa Waxey Kala Ahaayeen Magacyadoodu Sidatan:-

1 Xisbiga Hiigsi Qaran.

2 Xisbiga Caddaalada Bulshada.

3 Xisbiga Midnimada Umada Soomaaliyeed.

4 Xisbiga Dimuquraadiga Dugaal.

5 Xisbiga Horyaal Qaran.

6 Xisbiga Hilaac.

Munaasabadda Shahaado Gudoonsiinta oo Ka Dhacdey Xarunta Xafiiska Diiwaangelinta oo Ku taal Madaxtooyada Soomaaliya Waxaana Madaxdii Xisbiyada Shahaadada La gudoonsiiyey Lagula Dar Daarmey In ay Dar Dar Geliyaan Hawlha Xisbiyada ay Shahaadada U Qaadeen,Iyagoo Dhankooda Balan Qaadey In ay Kaalin Buuxda Ka Qaadan Doonaan Dimuquraadiyada iyo Hawlaha Axzaabta.