Gabdho ay Tababar Siisey Hay’adda Wadaniga ah ee HINA oo Ku Biirey Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyed(Daawo Sawiro).

0
1059

Qaar Kamid ah Boqol Gabdhood oo Hay’adda Wadaniga ah ee HINA ay Tababar Siineysay In Muddo ah ayaa Iska Diiwaan Geliyey Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Sida aad Ka Dheehan karto Muuqaalada.

Gabdhan ay HINA Tababarka Siisay ayaa Qaarkood waxaa uu Xisbigu u Qaatey in ay Ka Mid Noqdaan Maamulka Gobolka Banaadir ee Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Waxaana La Siin Doonaa Tababar La Xiriira Dhinaca Hawlwadeenimada Xisbiga.

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux ayaa Ku Booriyey Gabdhaha in ay Kamid Noqdaan Xisbiyada ayna Kala Xushaan Afkaarta Axzaabta iyo Xisbi Walba Doorka Haweenku Halka ay Kaga Jiraan Qaab Dhismeedka Xisbiga iyo Xilalka Sar Sare ee Xisbigu Fursad u Siiyey Haweenka iyagoo aad usoo Dhaweeyey Sida uu Gudoomiyuhu Sharaxaada Uga Siiyey Xisbiga iyo Xeerarkiisa.

Maamulka Hay’adda Hina ayaa Iyaguna Soo Dhaweeyey Sida Xisbiga iyo Madaxdiisu Fursadaha Kamid Noqoshada Xisbiga ugu Sahleen Gabdhaha ay Tababareen Una Rajeeyeen Xisbigu In uu Sii Wado Hawshaan Muhiimka ah ee Kamid Noqoshada Xubnaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed,waxeyna Hawshu Kusoo Idlaatey Jawi Hagaagsan iyo Farxad.