Qarax Miino oo ay ku Dhinteen Saraakiil Katirsan Al shabaab ayaa ka Dhacay Galguduud.

0
494

shabakada Wararka Warso.com

Qarax geystay khasaare soo gaaray saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Galguduud ayaa ka dhacay waddada isku xirta degmooyinka Ceeldheer iyo Ceelgaras ee gobolkaasi.

Qaraxa oo aha Nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu la qarxay gaari ay wateen saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Mujaahidiin Al-shabaab , waxaana kasoo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka waxay soo sheegaayaan in 4-ruux oo ay labo kamid yihiin saraakiil Xarakada Mujaahidiinta Al- shabaab ah ay qaraxa ku geeriyoodeen.Madaxa amniga degmada Ceelbuur ee Ahlusunna Cabdi Axmed Biyo Quute ayaa warbaahinta u xaqiijiyey jiritaanka qaraxaasi.

Cabdi Axmed Biyo Quute waxa uu sheegay saraakiisha qaraxaasi ku dhintay ay kamid yihiin madaxii amniga Al shabaab ee degmada Ceelgaras iyo Taliyahii Al shabaab ee degmada Xarardjheere ninkaasi oo horay Taliye dhanka amniga ah uga soo noqday degmada Ceelbuur.

Gaarigii miinadu la qaraxday oo ahaa nooca loo yaqaan Surf-ta ayaa sidoo kale halkaasi ku bur buray.Xarakada Mujaahidiin Al shabaab weli kama hadlin qaraxa ka dhacay Galguduud iyo khasaaraha kasoo gaaray saraakiisha katirsan.

Xafiiska War Qabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya