Ciidamada Nabad Ilaalinta U Jooga Somaliya Ee Amisom Oo Fariisin Cusub Ka Sameystay Baydhabo.

0
645

shabakada Wararka Warso.com

Ciidamadan ayaa fariisimo ka sameystay Garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo nawaaxigiisa oo hada ay difaacyo ka samesyteen, inkastoo aanay si dhameystiran isugu fidin magaalada iyo agagaarkeeda.

Ilaa 120-askari oo isugu jira dalalka Uganda iyo Brundi ayaa ku sugan Magaalada Baydhabo, iyadoo qorshuhu yahay in 2500 askari ka socota labada dal ay ammaanka magaalada kala wareegaan Ciidamada Itoobiya ee Baydhabo qabsaday bishii Febraayo.Ciidamada AMISOM ayaa si tartiib u bilaabay inay fariisimo ka sameystaan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo ah qeybta 3aad ee howl galka Ciidamada AMISOM lagu fidinayo Gobolada dalka, kadib markii Midowga Afrika ilaa shan qeybood ugu qeybiyay Gobolada ay ka howl galayaan iyo Talisyada ay yeelan doonaan.

Hase ahaatee Kumanaan ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa ku xoogan magaalada oo guud ahaan ammaankeeda sugaya, waxaana qorshuhu yahay marka ay soo dhameystirmaan Ciidamada AMISOM inay Ciidamada Itoobiya ka baxaan magaalada.

Koox ka socota Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa kormeeray shalay magaalada Baydhabo, iyadoo kooxdan ay xaalada Ciidamada AMISOM iyo magaalada eegeysay, kadibna dib uga laabtay magaalada.
Ciidamada AMISOM ee la geeyay Baydhabo ayaa waxaa hogaamin doono Taliye ka socda Brundi, oo hada ah dalka 3aad oo hogaaminaya howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika, markii Taliye kuxigeenka AMISOM loo magacaabay Taliye ka socda Kenya oo ah dalka labaad ee Ciidamada AMISOM ugu badan.

Xafiiska War Qabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya