Xeer Ilaalinta Puntland ayaa soo saartay qoraal kale oo ay udirtay guddoonka baarlamaanka Puntland, taas oo ay kaga laabanayso dacwadii ay ku soogtay xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore su`aal weydiiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, taas oo ka careysiisay.
Warqadda loo diray Gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in laga laabtay dacwaddii, maadaama Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka & Xukuumadda ay ka heshiiyeen kiiskii taagnaa.

Xafiiska Xeer illaalinta Puntland ayaa sheegay, iyadoo arrintaasi la xaliyay in aan dacwad lagu soo oogi karin Xildhibaankaasi, sidaasi awgeedna arrintaasi meesha looga haray.











