Saturday, April 18, 2026
Home Wararka Ciidanka Xoogga Dalka Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Degmada Matabaan

Ciidanka Xoogga Dalka Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Degmada Matabaan

0
594
Wararka inaga soo gaaraya Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Somaliya ay la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi.

La wareegitaanka Degmada Matabaan ee Ciidamada Xoogga dalka waxa ay ka dambeysay, kadib markii Ciidamada Ahlu Sunna ay is hortaageen wafdi uu hoggaaminaayay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo doonaayay inuu galo Magaaladaasi.

Dagaal kooban oo ka dhacay Degmada Matabaan kadib Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Somaliya ayaa waxaa u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta Degmada Matabaan.

Ciidamadii Ahlu Sunna ayaa u baxay Banaanka Magaalada, waxaana wararka ay sheegayaan inay halkaasi ka wadaan Ciidan aruursi.

Inkastoo xaaladda Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan hadda ay tahay mid degan, haddana waxaa suuragal ah in dagaal halkaasi uu ka dhaco, maadaama Ahlu Sunna ay wadaan Ciidan aruursi.