Saturday, April 18, 2026
Home Wararka Xeer Illaalinta Puntland Oo Ka Laabatay Dacwaddii Lagu Soo Oogay Xildhibaankii Ka...

Xeer Illaalinta Puntland Oo Ka Laabatay Dacwaddii Lagu Soo Oogay Xildhibaankii Ka Careysiiyay Madaxweyne Deni

0
558

Xeer Ilaalinta Puntland ayaa soo saartay qoraal kale oo ay udirtay guddoonka baarlamaanka Puntland, taas oo ay kaga laabanayso dacwadii ay ku soogtay xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore su`aal weydiiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, taas oo ka careysiisay.

Warqadda loo diray Gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in laga laabtay dacwaddii, maadaama Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka & Xukuumadda ay ka heshiiyeen kiiskii taagnaa.

Xafiiska Xeer illaalinta Puntland ayaa sheegay, iyadoo arrintaasi la xaliyay in aan dacwad lagu soo oogi karin Xildhibaankaasi, sidaasi awgeedna arrintaasi meesha looga haray.