Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen guud ahaan magaaladaasi, waxayna ciidamada galeen guryaha xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada B/Weyne.
Howlgalada ciidamada Dowladda KMG ah ayaa la sheegayaa inay ku soo qabqabteen tiro ka mid ah dhallinyarada magaalada, kuwaasi oo looga shakiyay inay xiriir wada shaqeyn la leeyihiin ururka Al-Shabaab, iyadoo dhallinyaradaasi la sheegayo in haatan su’aalo lagu weydiinayo saldhigga magaalada B/Weyne eedeymaha loo soo jeediyay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah ee magaalada B/Weyne ayaa u sheegay Xafiiska war Qbadka Warsom.com in howlgalada ay ka sameynayaan magaalada B/Weyne lagu xoojinayo amniga, bacdamaa sida uu sheegay maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen magaalada B/Weyne falal amniga khalkhal gelin kara.
Dhinaca kale howlgalada ka bilowday magaalada B/Weyne ayaa la sheegayaa inuusan wax saameyn ah ku yeelan isu socodka dadka iyo gaadiidka, inkasta oo xaafadaha qaarkood saacado kooban uu hakad u yimid dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, hase yeeshee markii dambe xaaladu caadi ku soo noqotay.
Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)





