Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Waxaa maanta magaalada Doolow ee Gobolka Gedo tababar ciidan loogu soo xiray 1,500 oo askari kuwaasoo bilooyinkii u danbeeyay uu halkaasi uga socday tababar Militari.
Ciidamadan Tababarka loo soo xiray ayaa waxa ay ku qalabeysnaayeen hubka noocyadiisa kala duwan iyo weliba gaadiidka dagaalka, iyadoona cutubyo kamid ah ay soo gaareen degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamadani ay qeyb ka noqon doonaan howlgallada ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka soconaya gobolka Gedo, waxayna sheegeen in saacadaha soo socda ay ciidamadani gaari doonaan furimaha hore ee Dagaalka.
Dhinaca kale; deegaano hoostaga degmada Garabahaareey ayaa maanta laga dareemayaa xiisado dagaal oo u dhexeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ahlusunna iyo xoogagga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Goob-jooge ku sugan magaalada Garbahaareey ayaa HOL u sheegay in maanta saacado kooban la xiray ganacsigii iyo weliba isusocodkii magaalada Garbahaareey arintaasoo ka danbeeyay kadib markii magaalada laga dareemay guluf colaadeed oo kusoo wajahan.
Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Ahlusunna ee gobolka Gedo ayaa ku hanjabay in dhawaan ay si buuxda gacanta ugu dhigi doonaan guud ahaan gobolka Gedo oo ay haatan qeybo kamid ah joogaan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Wararka Soomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)





