Saraakiisha DKMG ah Ee Soomaalia Ee Gobalka Gado Ayaa Sheegay in Ciidamada Dowlada iyo Ciidamada Dalka Kenya ay Kuwajhanyihiin Dagmada Baardheere

0
716

WararkaSoomaaliya ( Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Diyaad Cabdi Kaliil Oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada DKMG Oo Kusugan Gobalka Gado Ayaa Bahda Saxaafada Uga War Bixiyay In Dhawaan Ey Hantin Doonaan Gacan Ku Heynta gobalka |Gado

Ciidamada DKMG ah Ee Soomaalia iyo Kuwa Ahlusuna Waljameeca Oo Taageero Kahelaayo Ciidamada dalka kenya in ay Wadaan Abaabul dagaal Oo ay Ku Doonayaan in ay Kula Wareegaan Dagmada Baardheera Ee Gobalka Gado Oo ah
Dagmada Kaliya Ay iminka Kamaamulaan Gobalkaasi Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab

Taliayaha Ayaa Sheegay in DKMG ay maamusho Inta badan Deegaanada Gobalka Gado Hadana Qorshahooda Uu yahay in Sidii Ey Uga saari Lahaayeen Al-Shabaab lagaSaaro Dagmada Baardheere Ee Gobalkaasi Gado

Saraakiisha DKMG ah Ee Gobalka Gado ayaa kol Hore Sheegay in Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab laga Saari Doono Deegaanada Kaharsan Gobalkaasi inkastoo ilaa Hada aysan Jirin Talaabo Muuqato Oo ay DKMG ka qaatay Arintaasi

Dhanka Kale Ciidamada Xarakada Mujaahidiin Al-shabaab Waxaa la sheegayaa  in Ey Ku Jiraan Qaban Qaabo dagaal looga Hor tagayo Ciidamada Dowladda Somaliya

Wararka Ka Soo Baxayay Madaxda sare ee Dowlada  iyo Ciidamada ayaa Ah Mid Is Bur Burinaya Taasoo Loo Aaneeyo In Eysan madaxda Dowlada Iyo Ciidamada uusan Ka Dhexeen Wax Xiriir ah Ama Aan La Siin Ciidamada  Siminaaro Lagu kor Dhibano Aqoontooda Leeskuna dhaafsanayo fikradaha lama Ogo Sida ay Ugu Suurta Gali Doonto DKMG in ay Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab ay Ka saarto Dagmada Baar Dheere Ee Gobalka Gado Oo lasheegay in Dagmadaasi ay Tahay Dagmo Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab ay Si. aad ah Ugu Xoogan yihiin

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)