Qarax Uu Ku Geeriyooday Ruuxii Aasayay Oo Ka Dhacay Isgoyska Baar Ubax Ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

0
591

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Miinadaani Qaraxday oo ahayd mid dhawaqiisa laga maqlay dhamaan xaafadaha ku teedsan  suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhimashada hal qof Iyadoona Aanan Jirin Wax Dhawaac Ah.

Qofka geeriyoodey ayey dad goob joogeyaal ahi sheegeen inuu ahaa  nin doonayey in uu miino nooca dhulka la geliyo ah halkaas ku aaso.

Meydka ninkaas oo cad cad u go’an iyo god loo malaynayo inuu ahaa  halkii uu miinada ku ridi lahaa ayaa saaka goobta lagu arkay.

Waxaa sidoo kale goobta uu xalay qaraxu ka dhacay soo gaarey ciidamo ka  tirsan kuwa dowladda TFG_da Soomaaiya GAar Ahaan Ciidamada Nabad Sugida Qaranka .

Haseyeeshee ma jiro wax war ah oo arintaas ku aadan oo kasoo baxay dhinaca laamaha ammaanka Ee Dowlada Soomaaliya.

Mana ahan markii ugu horeysey Oo ay dhacdo noocan oo kale  magaalada Muqdisho ka dhacdo.

Balse waxaa jirey tiro  dhowr jeer ay qaraxyo sababay geerida dadkii  aasayey magaalada Muqdisho ka dhaceen.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)