Xasan Maxamed Jimcaale “Xasan Dheere” Oo Carabka Ku Dhuftay In Shirka Odayaasha Dhaqanka Muqdisho Uu Marayo Meel Wanaagsan

0
708

Wararka SOomaaliya(WAkaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Xasan Maxamed Jimcaale “Xasan Dheere” Wasiiru dowlaha wasaaradda dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya  ayaa tilmaamay in shirka Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uu meel wanaagan marayo, laguna howlan yahay sidii ay u soo xuli lahaayeen  ergada ansixineysa Dastuurka dalka Soomaaliya  iyo xubnaha cusub ee Barlamaanka.

Waziirka Ayaa Sidoo kale xusay in xukuumadda TFG-da Soomaaliya ay ku kalsoontahay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, dowladuna ay ku dadaali doonaan in dalka loo horseedo dowladnimo si looga baxo waqtiga KMG ah Loona Gaaro Heerka Sare.

Maal Mahan Ayaa Magaaladda Muqdisho waxaa ka socda shir ay yeelanaya odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed kaas oo la doonayo in ay soo xulaan ergo ansaxisa qabya qoraalka dastuurka cusub oo uu dalku yeesho Islamarkaana Lagu Dhaqamo.

Wararka SOomaaliya(WAkaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)