Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Miinadaani Qaraxday oo ahayd mid dhawaqiisa laga maqlay dhamaan xaafadaha ku teedsan suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhimashada hal qof Iyadoona Aanan Jirin Wax Dhawaac Ah.
Qofka geeriyoodey ayey dad goob joogeyaal ahi sheegeen inuu ahaa nin doonayey in uu miino nooca dhulka la geliyo ah halkaas ku aaso.
Meydka ninkaas oo cad cad u go’an iyo god loo malaynayo inuu ahaa halkii uu miinada ku ridi lahaa ayaa saaka goobta lagu arkay.
Waxaa sidoo kale goobta uu xalay qaraxu ka dhacay soo gaarey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda TFG_da Soomaaiya GAar Ahaan Ciidamada Nabad Sugida Qaranka .
Haseyeeshee ma jiro wax war ah oo arintaas ku aadan oo kasoo baxay dhinaca laamaha ammaanka Ee Dowlada Soomaaliya.
Mana ahan markii ugu horeysey Oo ay dhacdo noocan oo kale magaalada Muqdisho ka dhacdo.
Balse waxaa jirey tiro dhowr jeer ay qaraxyo sababay geerida dadkii aasayey magaalada Muqdisho ka dhaceen.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)





