Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federalka
Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta kormeer ku tagay
goobtii la dajin lahaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.
Kurmeerka Maanta Ra’iisul Wasaaraha Ayaa
Waxaa ku wehlinayay qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii kale
ee la socday Ayaa Ugu horeyntii Waxay warbixin ka dhageysteen gudigii loo
xilsaaray soo dhaweynta Odoyaasha Dhaqanka kuwaa oo soo xuli doono gudigii
ansixin lahaa Dastuurka Cusub ee Qabyo-Qoraalka dalka.
Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu
warbixino ka dhageystay gudi iyagana loo xilsaaray iney sugaan amaanka goobta
oo ay ka mid yihiin Ciidamada NabadSugidda Qaranka,Kuwa AMISOM iyo hay’adaha
kale ee dowladda kala shaqeeya Amaanka, Iyagoona Sheegay in goobta ay tahay mid
amaankeeda uu aad u sareeyo laguna kalsoon yahay islamarkaana ay il-gooni ah ku
eegi doonaan amaanka goobta ayna si wada jir ah isaga kaashanayaan ciidamada
AMISOM iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya.
Warbixinta kadib ayaa waxa uu
Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnihii la socday soo kormeereen goobtii loogu
talagayay Odayasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed in la dajiyo, Isagoona Ra’iisul
Wasaaruhu mid mid u galay qolalkii loogu talagalay Odayaasha Dhaqanka, kuwaa oo
gaaray 135 Odey Dhaqameyd oo ka kala imaanaya gobalada dalka.
Odayaasha Dhaqanka ayaa la filayaa
horaanta bishaan soo socota iney soo xulaan Ergadii ansixin laheyd Dastuurka
Cusub ee Qaybo-Qoraalka dalka.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya Mudane, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa u mahadceliyay
gudigii isku xilsaaray soo dhaweynta Odayaasha Dhaqanka iyo waliba kuwa sugaya
amaanka goobta loogu talagalay in la dajiyo Odayaasha Dhaqanka.




