Idaacada Markabley Ee Ku Tiilay Degmada Baardheere Oo La Wareegeen Xarakada Al-shabaab

0
513

Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Ciidamo ka tirsan maamulka gobolka
Gedo ee al-Shabaab uu horkacayo gudoomiyaha Maamulka degmada Baardheere Barre
qooje iyo masuul ka tirsan waaxda warfaafinta xarakada alshabaab ayaa saaka
aroortii ku amray shaqaalaha idaacada Markabley in ay soo wareejiyan qalabkii
idaacadu ay ku shaqaynaysay.

 

Idaacada Markabley oo ahayd idaacad
madax banaan oo mudo ka shaqaynaysay degmada Baardheere ayaa haaatan waxaa si
rasmi ah ula wareegay ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ee gobolka Gedo.

 

Maamulka idaacada markabley ayaa
sheegay in ay san ilaa iyo haatan ogayn sababta rasmiga ah ee ka danbaysa
xariga idaacada iyo waxyaabaha lagu haysto iyadoo ay jiraan warar sheegaya in
loo hanjabay maamulka idaacada isla markana lagu war-galiyay in ay soo
wareejiyaan qalabka idaacada .

 

Qaar ka mid ah shaqaalaha idaacada
oo aan la xariirnay ayaa iyana ka gabsaday in ay ka warbixiyaan sababta
idaacada loo xiray waxayna sheegen in ay ka war heleen o kaliya amarka saaka la
siiyay ee ahaa xiritaanka idaacada markabley.

 

Masuuliyiinta warfaafinta ee
Al-Shabaab ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin xariga idaacada iyo waxyaabaha keenay
in la joojiyo shaqada idaacada iyadoo horey ay uga hawl gali jirtay Baardhere
in mudo ah.

 

Xiritaanka idaacada markabley ee
gobolka Gedo ayaa waxay qayb ka noqonaysaa idaacada dhawr ah oo horay maamulka
al-Shabaab ee gobolada koonfured ay sidan oo kale Ula Wareegen

Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)