Ciidanka dawladda Soomaaliya ee Danab ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay degaano ku yaala gobolka Shabeelaha hoose, Sida uu warbaahinta u sheegay Mowliid Axmed Xasan oo u hadlay ciidankaasi.
Degaannada ay Danab la wareegtay ayaa waxaa ku jira tuulooyin hoos yimaada Bariirre, iyo sidoo kale degaanka la yiraahdo Ceel-Saliin oo ay in muddo ah haysteen Kooxda Al-Shabaab Iyadoona Maanta Ay Dhamaan Deegaanadaasi Ay Gacanta Ku Haya Ciidanka Dowlada Gaar Ahaan Kuwa Danab.
Qabsashadan ayaa imanaysa ayada oo ciidanka ay dhowaanahan dagaalyahanada Al-Shabaab ay kala wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalyahanada al-shabaab.





