Barlamaanka Fedralka Soomaaliya oo Meel Mariyey Xeerka Maareynta Maaliyadda Soomaaliya.

0
568

Xildhibaanada Golaha Shacabka  oo kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda ayaa meel mariyay sharciga Maareynta Maaliyadda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa 141 xildhibaan, waxaana dood dheer kadib  ogolaatay meelmarintiisa 135 Mudane halka 6 Xildhibaan ay diideen in la  ansixiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa Ku dhawaaqay Natiijada Codeyntii Maanta ee lagu ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda dalka iyadoo Hore Barlamaanku u Ansixiyeen Xeerka Badloolka ayna Kasoo Horjeesteen M/goboleedyada iyo Qarmada Midoobeyba.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale digniin u diray xubnaha  ka maqan kulamada,isagoo xusay in xeer hoosaadka lala tiigsan doono  xildhibaankii sabab la”aan u maqan.