Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal oo Maamul kumeelgaar ah Loo Magacaabey Kadib Kala Diristii Golaha Deegaanka.

0
747
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamul cusub oo kumeelgaar ah u magacaabay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal,sida ku cad digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.
Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee degmada Burtinle ayaa loo magacaabay, Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dihaal) , halka guddoomiye ku-xigeenka kumeelgaarka ah ee degmada Burtinle loo magacaabay Maxamed Cabdixakiim Geelle .
Magacaabiista maamulka kumeel-gaarka ah ayaa timid kaddib markii uu madaxweynaha Puntland maanta kala diray golihii deegaanka ee degmada Burtinle.