Amnesty ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ciidammada Barma ay mar kale fuliyeen falal xasuuqa ah oo la mid ah kii dhacay sannadkii 2017-kii ,kaas oo loo geysanaayo dadka Muslimiinta,gaar ahaan jabhadda ka dagaallanta Woqooyiga gobolkaasi.
Boqollaal qof ayaa ka barakacay dagaallada u dhexeeya ciidammada iyo jabhadda Mayanmar,waxaana dad dhibanayaal ah ay sheegayaan in ciidammo ka socda qeybaha 22-aad iyo 55-aad ay wacaan howlgallo xasuuq ah oo lagu baacsanaayo muslimiinta.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Xuquuqul Insaanka ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyay ay muujinayaan in ciidammada Myanmar ay ku dhaqaaqeen dambiyo dagaal iyo xadgudub xagga bin’aadanimada ah.
Hay’addu waxa ay ku baaqday in xasuuqa ka dhacay gobolka ismaamulka Rakhine loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada,isla markaana dalkaasi la saaro cunaqabateyn buuxda.












