Inta la xaqiijiyay 41 qof ayaa ku geeryootay diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka oo uu dab qabsaday xilli ay hawada gashay ka hor inta aysan si deg deg ah u caga dhigan garoonka diyaaradaha Sheremetyevo ee magaalada Moscow.
Labo carruur ah oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda ayaa ka mid ah dadka ku dhintay, iyadoo ay la socdeen rakaab gaaraya 78 qof .Ilaa iyo hadda ma cadda waxa dhaliyay dabka qabsaday diyaaradda.
Diyaaradda ayaa lagu qasbay in ay garoonkii ay ka dhaqaaqday ay si deg deg ah ugu soo laabato kaddib markii la dareemay in ay ciladi jirto.Nin lagu magacaabo Mikhail Savchenko oo saarnaa diyaradda ayaa sheegay in uu qarax maqlay isla markaana uu ku guulaystay in uu ka boodo.
Wasiirka caafimaadka Ruushka, Veronika Skvortsova ayaa sheegay in lix bukaan ah oo isbitaal ku jira saddex ka mid ay wajahayaan xalaad halis ah.
Diyaaradda oo nooceedu ahayd Sukhoi Superjet- 100 oo ka kacday garoonka Sheremetyevo gabal dhici waqtiga Ruushka ayaa kusii jeeday Murmansk.
Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin oo ka hadlay dhacdadaan ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo eheladii dadka dhintay,xilli ay soo baxayaan in la waddo baaritaanno la xiriira waxa dhaliyay shilkaan.












