Shirka Wadatashiga Garoowe Oo Maalintii Saddexaad Galay iyo Halka Laysla Marayo M/goboleedyada iyo Dawladda Federalka.

0
467

Magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland waxaa maalintii saddexaad ka soconayaa Shirka wadatashiga madaxda federaalka iyo dowlad Xubineedyada.

Shirkan ayaa lagaga xaajoonaya arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ka mid tahay hanaanka doorasho ee federaalka, Amniga, qaybsiga khayraadka dalka, awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad xubniyeedyada iyo arrimo kale .

Madaxda ayaa xalay xili dambe ku gaareen shirka ay ku lahaayeen villa puntland, hase yeeshee ma jiro wax war oo ka soo baxay madaxda shirka.

Wararka qaarkood ee laga helayo shirka ayaa muujinayaa in madaxdu ay ku kala aragti duwan yihiin qodobada asaasiga ah ee laga doodayo sida hanaanka doorashada barlamaanka iyo madaxweynaha federaalka ee 2021ka.