Booliisku waxa ay sheegeen in dadka dhintay ay ku jiraan saddex dumar oo la aamisan yahay inay ahaayeen ehelada ragii isku qarxiyay kaniisadaha iyo hoteelada raaxada toddobaadkii hore
Dadka degaanka Sainthamaruthu ayaa sheegay inay maqlayeen qarax weyn iyo israsaasayn socotay muddo saacado ah. Goobta qaraxu ka dhacay ayaan sidaa uga fogayn magaalada uu deganaa hoggaamiyihii kooxdii fulisay qaraxyadii maalintii ciida Masiixiga ee Easter-ka
Dhinaca kale, Ciidamada ammaanka ayaa weerar ku qaaday guri kale oo isla degaankaas ku yaal, halkaasi oo ay sheegeen inay ka soo heleen walxaha qarax iyo diyaaradaha Droneska.
Srilanka ayaa dalkeeda feejignaan sare galisay ka dib markii dad naftood hurayaal ahi ay dileen in ka badan 350 qof, ayna dhaawaceen 500 qof oo u badnaa dad ku cibaadaysanayay Kaanisaha Kirishtanka ee wadankaasi. Masuuliyada Qaraxyadaas waxaa sheegtay Ururka Daacish, hase yeeshee dowladda ayaa ku eedaysay koox aan sidaas loo aqoon oo lagu magacaabo Jamaacatul towxiid.
.












