Taliska ciidamada maraykana ee Africom ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in duqayn cirka ah oo ay shalay diyaaradahoodu ay ka fuliyeen degaanka Timirshe ee gobolka bari ay ku dileen saddex Maleeshiya ah oo la tuhusan yahay inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish.
Maj. Gen. Gregg Olson ayaa sheegay in ujeedka weerarku uu ahaa in xidida loogu siibo Ururka daacish ee ku dhuumanaya buuralayd, sidoo kale sidoo kalena meesha laga saaro awood ay u yeelan karaan inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in Duqaymahan ay ku caawinayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya si ay awood, dhaqaale iyo waqti ugu heelaan dagaalka ay kula jiraan waxa uu ugu yeeray kooxaha aragagixisada ah
Waa weerarkii labaad oo bishan April ay diyaaradaha Maraykanku ay duqayn ka gaystaan degaanka gobolka Bari, iyagoo 14 April duqayn lagu dilay Taliye ku-xigeenka ciidamada Daacishta Soomaaliya C/xakiim Dhoqob.
.












