Qaar Kamid ah Axzaabta Siyaasadda Dalka oo Shir Ku Yeeshay Muqdisho War Saxaafadeedna Kasoo Saarey.

0
609

Kulan ay isugu yimaadeen 12 Xisbi oo ka mida ah Axsaabta Qaranka ayaa lagu
lafaguray xaaladda dalka ee siyaasadeed, amni iyo doorashooyinka 2020/21ka.
Xisbiyadaasi waxay isla- qaateen qodobada soo socda:

1. In xukuumaddu si degdega ugu gudbiso Golaha Shacabka Sharciga
Doorashooyinka soo socda ugu dambayn bisha May,2019, si Baarlamaanku
uga guto waajibaadkiisa;

2. Xisbiyadu waxay hoosta ka xariiqeen in doorashadu dhacdo wakhtigii loogu
talo galay, iyadoo ku imaanaysa nidaamkii la isku wada raacay ee Axsaabta
Badan iyo Hal Qof iyo Hal Cod;

3. Maamul Goboleedyadu waa inay ogolaadaan in Xisbiyadu ay ka furtaan
laamihii uu Sharciga Xisbiyadu ku waajibiyay Xisbiyada, loona fududeeyaa
hawlaha la xiriira;

4. Xisbiyadu waxay aad u soo dhaweynayaan baaqii kasoo yeedhay
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka- Marwo
Xaliimo Ismaaciil ee ahaa in Guddida Doorashooyinku ay u diyaar u yihiin
in doorashadii la qabto, lana qabto wakhtigii loogu talo galay. Sidoo kale
waxay xisbiyadu hoosta ka xariiqeen inay iyaguna diyaar u yihiin inay ka
qayb qaataan doorshada 2020/21;

5. Xisbiyadu waxay Xukuumadda usoo jeedinayaan inay la timaaddo barnaamij
iyo siyaasad cad oo dhammaystiran oo ku wajahan amniga, caddaaladda iyo
dhaqaalaha waddanka, si looga baxo jahawareerka iyo amni xumada hadda
jirta;

6. Waxay Xisbiyadaa 12ka ka koobani ku talinayaan in la dhiso, lana xoojiyo
Ciidan Qaran oo tayo leh oo midaysan, isla markaana u hela xuquuqdiisa oo
dhammaystiran si joogto ah;

7. Xisbiyadu waxay ku talinayaan si loo helo amni, loona sugo nabadgelyada
shacabka iyo dhammaan ummadda Somaliyeed in loo dhiibo hay’adaha
Amniga dad ku xeeldheer lagana faa’iidaysto khubarada iyo masxda
Soomaliyeed ee joogta dalka gudihiisa iyo debeddaba. Waxay Xisbiyadu ku
talinayaan in qofwalba loo dhiibo halka uu ku habboon yahay.

8. Xisbiyadu iyagoo ka xun xasuuqa iyo dhimashada macno darrada ah e
ummadda, waxay tacsi u dirayaan dhammaan intii ku dhimatay xasuuqii
muddada ku socday ummadda Somaliyeed ee uu u dambeeyay wiilkii lagu
dilay Bajaajka, April 1deedii, 2019.

9. Axsaabta Siyasadeed ee Shirka isugu timid maanta, waxay u mahad
celinayaan Beesha Caalamka ah khaasan inta Somalia saaxiibka la ah ee ay
ka go’antahay inay Doorasho Hal Qof iyo Hal Cod ahi ay ka dhacdo Somalia
2020/21. Waxaannu ka codsanaynaa in gacan buuxda nalaga siiyo
suurtogalinta doorasho Xor ah oo Xalal.

DHAMAAD

Wa Bilaahi Tawfiiq.