Degmadda Afgooye ee Gobolka Sh/hoose oo Dabley Hubeysani Ku Dileen Labo Askeri Ciidamada Dawladda Ka Tirsanaa.

0
532

Wararka Ka Imaanaya Degmada Afgooye ee G/sh/hoose ayaa Sheegaya In Dabley Hubeysani Ku Dileen Labo Askeri oo Ciidamada Dawladda Ka Tirsanaa Kuwaasoo Markii ay Dilka Geysteen Goobta Isaga Baxsadey,askarta ayaa La Sheegay in ay Cashuur Ka Ururinayeen Gaadiidka Usoo Jeeda Magaalada Muqdisho.

Dhanka Kale Waxaa Lagu Soo Waramayaa Qarax Miinada Dhulka Lagu Aaso Loo Dhigay Kadibna ay Rasaas Aad u Xoogan Ku Fureen Dadkii ka Ag Dhawaa Goobtii Qaraxu Ka Dhacey iyadoo Ciidamo Gurmad ah ay ka Dalbadeen Talisyadooda ayey Hawl Galo Ka Billaabeen Agagaarka Halka Qaraxa Miino Ka Dhacey.

Sidoo Kale Waxaa Lagu Soo Waramayaa in Siinka Dheer ee Degmada Dayniile uu Nin Hubeysani Askeri Ku Dilay Kadibna Askar Kusoo Baxey Dhawaqa Rasaasta Dhacdey ay Gacanta Ku Dhigeen Ninkii Dilka Geystey Iyadoo Ninkii La Dilay iyo Kii Wax Dilayba Lagu Wareejiyey Saldhiga Booliska Dayniile Sida uu Xaqiijiyey Taliyaha Saldhiga Dayniile Xiirey.