
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Muuse Biixi ayaa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax Guri barwaaqo oo ahaa wasiirkii warfaafinta iyo Ciise Axmed Xawar oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga Somaliland xilalka looga qaaday iyadoona sidoo kale wareegtada xilka looga xayuubiyay wasiir kuxigeenkii wasaaradda Warfaafinta.
Xilka qaadista wasiiradan ayaa timid xili mudooyinkii dambe ay masuuliyiintan wajahayeen eedeymo la xiriira musuq maasuq inkastoo xilka qaadista wasiiraddan aan sabab looga dhigin eedeymahan balse kaliya wareegtada xilka qaadista lagu qeexay isbedel lagu sameeyay wasiirada qaar ee xukuumadda Biixi.
Wasiirada xilalka laga qaaday ee Gaashaandhigga iyo warfaafinta waxaa xilalka ay baneeyeen loo kala magacaabay Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa sidoo kale xilal looga xayuubiyay agaasimayaal guud wakiilo Somaliland u fadhiyay wadamo ku yaala caalamka iyo gudoomiyayaal gobol iyadoona isla xilalkan loo magacaabay masuuliyiin kale.
Hoos ka akhriso xilka qaadista iyo magacaabista uu sameeyay Muuse Biixi
Wareegto Madaxweyne
Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda
Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo);
Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle;
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Maxamed Muuse Abees
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:
1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud
Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga
Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.
Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada
Ku: Xasan Hirad Yaasiin
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
Ku: Ayaanle Salaad Diiriye
Wakiil Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.
Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
Magacaabida
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha
8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya
14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer











