Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta waxa uu xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee general Gordan ku kormeeray ciidamo qayb ka ah xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howl-gal ka dhan ah Alshabaab.
Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ugu tegay ciidanka ayaa qorshihiisu ahaa la socodka xaaladda diyaar garowga, saanadda ay heestaan iyo hadii ay jiraan waxyaabo ka dhiman si loogu dhamaystiro ka hor howl-galka ballaaran ee looga saarayo deegaannada ay dalka uga sugan yihiin dagaalamayaasha Alshabaab.
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidanka qaybta ka ah ciidamada xoogga dalka ee loo diyaariyay howlgalada ayaa xog-warsaystay sida ay heeganka ugu yihiin in ay dhiiggooda ugu huraan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay in ay dalkooda difaacaan.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka General Gordan kula kulmay saraakiisha diyaarinaysa ciidanka, waxa uuna ka dhagaystay warbixinta diyaar garowga ciidanka iyo isbedelka lagu sameeyay qaab dhismeedka ciidanka xoogga dalka, oo qayb ka ah dib-u-qaabaynta iyo tayanta CXD iyo qorshaha isu diyaarinta howl-gallada ka dhanka ah Alshabaab.
















