C/qaadir Maxamed C/qaadir oo Loo Magacaabey Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne ee G/banaadir.

0
674
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Xamar weyne,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.
Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka , ayaa guddoomiyaha degmada Xamar weyne loogu magacaabay Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir,kaaso horay xilka usoo qabtay.
Magacaabiista guddoomiyaha cusub ayaa ka dambeysay,kaddib markii shaqo ka joojin lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee Xamar weyne,Cumar Shariif Jeeg ,isagoo marka lagu eedeyay inuu aflagaadeeyay ciidanka Booliska Soomaaliya.