George W Bush oo hadda 72 sano jir ah ayaa soo noqday madaxweynihii 43-aad ee Mareykanka waxaana uu xilka hayay intii u dhaxeysay sannadihii 2001-dii ilaa 2009-kii.
Isagoo hambalyo u jeediyay dadka cusub ee kusoo biiray muwaadiniinta Mareykanka ayuu sheegay in dalku uu mar walba u baahan yahay iyaga oo kale.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in iyadoo aan sharciga laga soo hor jeedsaneynin haddana qaxootigu ay yihiin dad horumar u horseeday Mareykanka.
“Xitaa annagoo og in culeys badan uu ka jiro dhinaca nidaamka, waa ineynaan waligeen illoobin in qaxootiga soo galaya uu yahay naxariis iyo awood dheeraad ah”.
Siyaasigan rug caddaaga ah oo 2 jeer xilka madaxweynaha Mareykanka soo qabtay, ayaa sheegay in dadka muwaadiniinta ah badankood aysan garwaaqsanin in dadkan qaxootiga ah ay noqonayaan madaxda mustaqbalka.
Bush ayaa Isniintii ka hadlayay munaasabad qarameyn ah oo lagu qabtay mac-hadka George W Bush ee magaalada Dallas ee gobolka Texas.
Donald Trump ayaa markii uu waday ol’olihiisa doorashadii madaxtinnimada ee 2016-kii waxaa qodobadiisa ugu waaweyn ka mid ahaa in la hor istaago dadka qaxootinimada ku gala dalkaas.
Markii uu xilka qabtay ayuu soo saaray go’aanno lagu xakameynayo soo galootiga, iyadoo maamulkiisa uu xayiraad kusoo rogay dadka uga imaada dalalka qaarkood.












