Xarakada Al-shabaab oo Gacanta Ku Dhigay Degmada Ceel-Berde Ee Gobolka Bakool

0
483

 

Dagaal ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay degmada Ceel-Berde ee gobolka Bakool isla markaana aad ugu dhaw xadka aan la aqoonsanayn ee Soomaaliya la wadaagto Itoobiya

Dagaalka oo u dhexeeyey ciidamada Dowlada TFG-daah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa bilowday kadib markii xoogag ka tirsan Shabaabku ay magaaladaas soo weerareen.

Iska hor imaadkaas oo ahaa mid xooggan islamarkaana socdey mudo saacad ka badan ayaa sababay in deegaankaas ay Shabaabku qabsadaan.

Saraakiil ka tarsan Al-shabaab oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta afka ururkaas ku hadasha ayaa sheegay in xiligan Ceel-Berde ay iyagu gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo dagaalka saaka degmadaas ka dhacay ku aadan oo kasoo baxay Dowlada TFG-da ah ee Soomaaliya lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha kala gaarey dhinacyadii uu dhex maray.

Qabsashada Al-shabaab ee degmada Ceel-Berde oo ay mudooyinkii u danbeeyey ciidamada Dowlada TFG_da Soomaaliya joogeen ayaa kusoo beegmeysa xilli dhowaan Al-shabaab laga soo saaray xarunta gobolka Bakool ee Xudur.