Qarax Ismiidaamin Oo Ay Waxyeelo Ka Soo Gaartay Masuuliyiin Iyo Shacab Oo Ka Dhacay Golaha Murtida Iyo Madadaalada Ee Magaalada Muqdisho

0
505

Qaraxa oo ahaa Mid Ismiidaamin Ah Islamarkaan aad u xooggan Oo ay fulisey qof dumar ah sida la sheegay oo isa soo miidaamisey Xilli Uu Qudbeynayay Ra’iisul Wazaare Gaas ayaa sababay dhimashada dhowr qof oo ay  ku jiraan mas’uuliyiin Dowlada Ka Tirsan .

Waxaana kamid ahaa gudoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed Siciid Mugaanbe iyo Guddoomiyihii Olympicada Soomaaliya Aadan Xaaji Yebarow (Wiish) Oo Iyaga Ku Sugnaa Munaasabadii Ka Dhaceysay Goobta Ay Haweeneyda Qaraxa Ka Fulisay.

Sidoo Kale Dadka dhaawaca ah oo u badan weriyeyaal ayaa waxaa ku jira xildhibaano ay kamid yihiin Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Mowliid Macaane Oo Labadooba Ah Xildhibaano Ka Tirsan Dowlada TFG-da.

gudoomiyaha ururka haweenka qaranka Caasho Cumar Gees-diir iyo Cabdi Xaaji Goob-doon oo ah la taliyaha dhinaca warbaahinta ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa iyaguna kamid ah dadka ay qaraxaas waxyeeladu kasoo gaartey.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah Ismiidamin ee ka dhaca goob uu ku sugan yahay Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya.

Xarkada al-Shabaab ayaa sheegtey weerarkan, goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ahayd mid aan si weyn uga fogeyn xarunta Villa Somaliya, waxaana Xarakadu sheegtey in meeshey doonaan ay weerar is qarxin ah ka fulin karaan, waa markii 2Aad oo Ay Gabar Soomaali Ah ay fuliso qaraxaani Oo kale